Thursday, June 25, 2026

Hantidhowraha guud oo la kulmay wakiillo ka tirsan shirkadaha ka howlgala dekedda Muqdisho.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho. Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, si loo xoojiyo dabagalka iyo hubinta dakhliga dowladda. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu soo dhoweynayaa wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, isaga oo sii wadi doona doorkiisa ku aaddan horumarinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hufan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles