Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu baaris ku wado dhallinyaro ku xadgudbay gabar Soomaaliyeed, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid walba oo lagu helo ficilkaasi foosha xun.
Xafiisku si gaar ay wuxuu baaris ugu wadaa dhacdo fool xun oo ka dhacday baraha Bulshada, taas oo ay geysteen dhallinyaro, kuwaas oo ku xadgudbay gabadh Soomaaliyeed oo ku sugneyd magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, warka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid walba oo lagu helo in ay qeyb ka ahayd falkaas foosha xun ee lagula kacay gabadha Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee baraha Bulshada ku faafiya falalka anshaxdarada ah.
Dhammaan hay’adaha amniga ayaa la faray in ay gacanta ku soo dhigaan, islamarkaana sharciga hor-keenaan cid kasta oo ku lug leh falalka noocaas ah.
Xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa digniin adag u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada in ay ka fogaadaan in ay ku kacaan falal dambiyeedyada dhaqan-xumidda ah ee lagu faafiyo baraha Bulshada, taas oo qofkii lagu helo la horgeyn doono sharciga.




