Thursday, June 11, 2026

MW FIFA oo war ka soo saaray kiiska Garsoore Cumar Cartan.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa ka hadlay xaaladda garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan, isagoo sheegay in waxa ku dhacay garsoorahaasi ay tahay arrin laga xumaado, balse FIFA aysan awood u lahayn inay faragelin ku sameyso go’aannada dowladaha ama hay’adaha amniga.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, Infantino wuxuu sheegay in FIFA mar walba ku dadaasho xalinta dhibaatooyinka noocan oo kale ah, islamarkaana ay wadahadallo iyo dadaallo diblomaasiyadeed ku raadinayso xalal suurtagal ah.

“Waa arrin nasiib darro ah waxa ku dhacay Cumar, garsooraha ka soo jeeda Soomaaliya. Waxaan isku daynaa inaan xalino xaaladaha noocan ah, waan ka hadli doonnaa, waan la xiriiri doonnaa dhinacyada ay khusayso, waxaana eegi doonnaa waxa suuragalka ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha FIFA ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mararka qaar qeylo-dhaan degdeg ah aysan sahlin xal helidda mushkiladaha, isagoo xusay in ururkiisu uu mar walba ka shaqeeyo sidii xalal loo heli lahaa.

Infantino wuxuu sheegay in FIFA ay tahay hay’ad isboorti oo aan lahayn awood ay ku maamusho dowladaha ama ciidamada ammaanka, isagoo yiri: “Ma nihin boqorrada dunida oo kale oo amar siin kara dowladaha iyo ciidamada booliiska. Waxaan nahay hay’ad isboorti, waxaana ku dadaalnaa inaan qabanno wixii awooddeenna ah.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles