Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee ay shacabka Koonfur Galbeed sida tooska ah uga qayb galeen ay bog cusub u fureen taariikhda dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb galay doorashooyinka dhacay adkeysigii, dulqaadkii iyo sidii ilbaxnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashooyinka, isaga oo xusay in ka qaybgalka ballaaran ee shacabka uu yahay tusaale muujinaya kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, nabadda iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.




