Sunday, May 10, 2026

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda qorsheysan lagu qabto Garoonka Cayaaraha ee Injineer Yariisow ee magaalada Mogadishu, kadib wada-hadallo iyo dadaallo lagu dejinayay xiisadda siyaasadeed ee caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa shaaciyay in mucaaradka ay go’aansadeen in dibadbaxooda uu ka dhaco garoonka Injineer Yariisow saacadda 11:00 subaxnimo.
Go’aankan ayaa yimid kadib maalmihii lasoo dhaafay oo ay jireen dood iyo muran ku saabsan goobta lagu qabanayo bannaanbaxa, iyadoo dowladda iyo mucaaradka ay isku qabteen arrimaha amniga iyo goobta ku habboon.
Wararka ayaa sheegaya in dadaallo ay sameeyeen waxgarad, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ay qeyb ka qaateen in la gaaro is-afgarad ku saabsan goobta dibadbaxa, si looga fogaado isku dhac iyo xaalad amni darro.
Ciidamada ammaanka ayaa la filayaa inay si weyn u adkeeyaan amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka gala garoonka iyo goobaha muhiimka ah ee caasimadda, si loo xaqiijiyo in bannaanbaxu u dhaco si nabad ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles