Tuesday, February 10, 2026

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin.

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo loo yaqaanay Xuseen Afgarasho) iyo Farxaan Maxamuud Cabdi Nuur Aadan (oo loo yaqaanay Xasan Afgarasho), kaddib markii ay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Labadan nin ayaa lagu helay dilka afar muwaadin, falkaasi oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha cadaaladda.

Xukunka dil toogashada ah ayaa saaka si rasmi ah looga fuliyay goobta loo asteeyay, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo saraakiil ciidan.

Horey, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal, qaraxyo iyo falal amni darro oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa inta badan qaadda kiisaska la xiriira askarta ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada, iyada oo ujeedadu tahay dardar-gelinta cadaaladda iyo la xisaabtanka dembiyada culus ee khatar ku ah amniga dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles