Wednesday, March 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu u safro Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku guddoomin doono kulan ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Sida ay sheegayaan wararka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee guddoomiya kulan Golaha Ammaanka, arrin loo arko guul taariikhi ah oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Soomaaliya.
Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka, Madaxweynaha ayaa khudbad rasmi ah ka jeedin doona, taas oo uu si faahfaahsan uga hadli doono damaca gurracan ee Yuhuuddu ay ku doonayaan in lagu kala qeybiyo midnimada Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeyn doona mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dalka.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee New York ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay si weyn ugu jirto masraxa caalamka, isla markaana ay doonayso inay xoojiso doorkeeda diblomaasiyadeed iyo matalaaddeeda Qaramada Midoobay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles