Friday, January 16, 2026

Somaliland oo ka digtay in colaad hor leh laga abuuro deegaanadeeda.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga digay cid kasta oo colaad iyo gardarro ku soo qaadaya Somaliland, isaga oo xusay in taariikhda halgankii Somaliland looga soo joogay in aan Soomaaliland lagu wiiqi karin xoog iyo hanjabaad ciidan.

Afhayeen Deyr wuxuu tibaaxay in shacabka Somaliland, iyagoo hore ku jiray duruufo aad u adag, ay ka adkaadeen cadow ka awood badnaa, kuna xoreeyeen deegaanadooda naf-hur iyo halgan dheer.

Afhayeenka ayaa wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) “waxaanu ku dooday in Somaliland maanta tahay qaran leh awood ciidan, shacab middeysan oo gudaha iyo dibaddaba u heellan difaaca dalkooda, miisaan juqraafiyeed oo istiraatiiji ah, awood dhaqaale oo sii kobcaysa, iyo saaxiibbo caalami ah.”

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay Somaliland gardarro ku soo doonto ay wajahi doonto cawaaqib halis ah, isaga oo xusay in Somaliland tahay qaran ka badbaaday dabar-goyn, xorriyaddiisana ku kasbaday naf-hur, isla markaana maanta u taagan difaaca jiritaankiisa, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles