Ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay iska horimaadyo culus oo ka dhacay magaalada Qasa, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee Xamaas iyo xubno hubeysan oo ka tirsan qabiilka Dughmush kaas oo noqonaya mid ka mid ah dagaallada gudaha ee ugu adkaa tan iyo markii ay dhammaadeen hawlgalladii waaweynaa ee Israa’iil ka geysatay dhulkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalyahanno afka soo duubtay oo ka tirsan Xamaas ay rasaas isdhaafsadeen dagaalyahannada qoyska Dughmush meel u dhow isbitaalka Urdun ee magaalada.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Xamaas ayaa sheegay in cutubyada ammaanku ay hareereeyeen dagaalyahannadaas, isla markaana ay dagaal culus u galeen si ay u soo qabtaan. Wasaaraddu waxay sheegtay in siddeed ka mid ah xubnaheeda lagu dilay “weerar hubeysan oo ay soo qaadeen maleeshiyaadkaasi.”
Ilo caafimaad ayaa xaqiijiyay in 19 ka mid ah qoyska Dughmush iyo siddeed dagaalyahan oo Xamaas ah la dilay tan iyo markii dagaalku bilowday Sabtidii.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in iska horimaadku uu ka qarxay xaafadda Tel al-Hawa ee koonfurta magaalada Gaza kadib markii in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ay weerareen dhisme guryo ah oo ay ku go’doonsanaayeen dagaalyahanno ka tirsan qoyska Dughmush.