Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xogta cusub ee sahanku soo saarayo ay door muhiim ah ka qaadan doonto qorsheyaasha dowladda ee lagu yareynayo saboolnimada, isla markaana lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Sahankan ayaa lagu ururin doonaa xog dhammaystiran oo ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo nadaafadda, taas oo dowladda u suurta gelin doonta in ay qaadato go’aanno ku saleysan xog sax ah.




