Wednesday, December 18, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in la gaaray xiligii dhagaxaanta laga qaadi lahaa Wadooyinka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la gaaray waqtigii shacabka Caasimadda laga hor qaadi lahaa dhagaxaanta ku xiran qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shaaca ka qaaday in dhagaxaantaasi oo caasimadda laga qaado ay ka qeyb qaadan doonto bilicda caasimadda Muqdisho.

“Waxaan u sheegaya Wasiirka amniga iyo laamaha amaanka inay ka shaqeeyaan sidii dhagaxaanta wali taala wadooyinka magaalada Muqdisho waxaana la gaaray xiligii shacabka dhagaxaantaasi laga hor wareejin lahaa” ayuu ku yiri khudbadiisa Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa yaala dhagaxaan waa weyn oo meelaha qaar aysan suurta gal ahayn in gawaarida ay si fudud uga gudbi karaan kuwaasi oo loo dhigay si aysan u suurta galin in gawaarida qaraxyada Al shabaab aysan goobahaasi si fudud uga soo gudbin.

Dhagaxaanta kaliya maahan meelaha ay yaaliin wadooyinka ee waxaa jira kuwa la dhigay gudaha Xaafadaha qaar ee ku yaala Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka guud ee caasimadda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles