Wednesday, February 5, 2025

Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Dowlada Federaalka ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya.

Mudane Cabdifataax Nuur Mataan ayaa tilmaamay in dibadbaxyadii ka dhacay Gedo uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda iyo in garab taaganyihiin dowladda soomaaliya kana soo horjedaan xadgudubka gurracan ee Itoobiya.

“Shacabka Beledxaawo waxa ay garab taaganyihin dowladnimadda,waxa ayna mujiyeen sida ay u diidanyihiin xadgudubka itoobiya, anigoo ah kusimaha guddoomiyaha dhammaan xubnaha maamulkana waan ku garb taaganahnay dowaldda difaaca madaxbannanida dalka” ayuu yiri Cabdifataax Nuur Mataan.

Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in maamulka waqtigiisu dhammaaday ee jubbaland usan waxana ka qaban Arrimaha bulsahada,sida caafimaadka iyo waxabarashada,dowladana ay ka rajeynayaan in waxa ka qabato baahiyaha shacabka Degmada Beledxaawo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles