Thursday, November 21, 2024

Finland oo joojisay kaalmadii ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii Soomaaliya ay diiday in lasoo tarxiilo dadkeeda.

 Dowladda Finland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay taageeradii iyo iskaashigii laba geesoodka ahaa ee ay la lahayd Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay kaddib markii Soomaaliya ay diidday in muwaadiniinteeda lagasoo tarxiilo Finland.

Goโ€™aankaan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka ganacsiga iyo horumarinta ee Ville Tavio (Xisbiga Finland) mar uu shir jaraaโ€™id qabtay. Go’aanka ayaa saameynaya barnaamijka gargaarka afarta sano ee soo socda ee Finland ay la sameyneyso Soomaaliya.

Finland ayaa marar badan arrintan kala hadashay madaxda Soomaalida, balse weli xal looma helin, sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Finland.

Wasiirka ayaa sheegay soo celinta Soomaalida sharci laโ€™aanta ku jooga dalkaas inay suurtagal tahay, laakiin hadda wuxuu caddeeyay in aysan haysan heer ku filan oo lagusoo celin karo.

Tavio ayaa xusay in barnaamijka gargaarka Soomaaliya dib loo bilaabi karo haddii ay Soomaaliya ogolaato in ay aqbasho in muwaadiniinteeda lagasoo tarxiilo Finald.

“Soomaaliya, waxay tani u noqon kartaa heshiis wanaagsan, si ay nooga helaan taageerada horumarinta bulshadooda si ay u soo ceshadaan muwaadiniintooda,” ayuu yiri Tavio.

In ka badan 20,000 oo muwaadiniin Finnish ah oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa dalkaas ku sugan.

Mar la weydiiyay in jarista gargaarka horumarineed ay horseedi karto in socdaalka Soomaaliya uu sii bato, ayuu wasiirka Finland ku gacan seyray fikraddaas.

“Waxaa inta badan loo adeegsadaa dood ahaan in tirada muhaajiriinta lagu xakameyn karo gargaarka horumarinta. Anigu sidaas uma arko nafteyda. Lacagteena iskaashiga horumarineed aad ayay u yar tahay, wax saamayn toos ah kuma laha tahriibka,โ€ ayuu yidhi.

Taas baddalkeeda, waxa uu soo jeediyay in siyaasadaha socdaalka ee Yurub ee ballaaran ay kaalin mug leh ka ciyaaraan saamaynta isbeddellada socdaalka.

Finland ayaa muddo tobanaan sano ah Soomaaliya ka taageeraysay barnaamijyo diiradda lagu saarayo waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles