Monday, December 2, 2024

Maxkamadda Gobalka Galgaduud oo dil toogasho ah fulisay saakay.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Sakariye Asad Faarax, kaas oo horey degmada Gurceel ugu dilay Allaha u naxariistee Cabdullahi Khaliif Faarax, oo ahaa wiilka Aabihiis Khaliif Faarax Deer.

Sakariye Asad Faarax ayaa horey ugu xukuman dil toogasho ah Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kaddib markii lagu helay inuu ka dambeeyey dilka C/llahi Khaliif Faarax. Xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyey ninkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Aabaha marxuumka, Khaliif Faarax Deer, oo si gaar ah uga mahadceliyey maamulka iyo masuuliyiinta Galmudug sida ay uga go’an tahay in ay cadaaladda fuliyaan.

Khaliif Faarax Deer ayaa xukunka kadib sheegay inuu ku faraxsanyahay fulinta cadaaladda, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey Maxkamadda Gobolka Galgaduud iyo dhammaan masuuliyiinta Galmudug, isagoo cadeeyey in xukunka uu yahay mid xaq ah, oo waafaqsan sharciga, taasoo ka dhigan in cadaaladda la gaaray.

Dhanka kale, bulshada ayaa isugu yimid goobta xukunka lagu fuliyay, iyagoo ka muujinaya taageero iyo ammaan ay u hayaan nidaamka cadaaladda ee ka jira Gobolka Galgaduud, isla markaana ku dhiirrigelinaya in la xoojiyo la dagaallanka dambiyada.

Xukunkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaalka Galmudug ee ku aaddan ilaalinta sharciga iyo amniga, iyadoo maamulka iyo hay’adaha garsoorka ee gobolka ay si wadajir ah u fulinayaan waajibaadkooda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles