Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay in ciidamada Israโil ay Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, isla markaana ay dhaawaceen 20 kale gudaha Iskuul ay ku noolaayeen dad barakac ah oo ku taala Gaza.
Saraakiishu waxay sheegeen, in iskuulka ay Qaramada Midoobay maamusho ee Abu Assiic laga wado howlo gurmad ah oo looga soo daad gureynayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Israโil oo ku saabsan dadka rayidka ah ee halkaasi lagu laayay.
Laakin milatariga Israโil waxay sheegeen in laba madfac oo laga soo tuuray waqooyiga Gaza lagu burburiyay hawada Israโil. Taasi ayaa muujineysa, awoodda ay wali kooxaha dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Gaza ay u leeyihiin in ay madaafiic ku tuuraan Israโil, kaddib 13 bil oo ay dagaallo xoog leh ka socdaan Gaza.