Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa ku dhawaaqay guul uu ka gaaray doorashada madaxtinnimada Mareykanka ee 2024, kaddib markii telefishinka Fox News uu saadaaliyay inuu ka adkaaday murashaxa Dimuqraadiga ah, Kamala Harris.
“Amerika waxay na siisay amar aan horey loo arag oo xooggan,” ayuu yiri Trump goor hore, isagoo la hadlayay taageerayaal farxad kula qaylinayay Xarunta Shirarka ee Palm Beach County.
Trump ayaa sidoo kale waqti ku bixiyay amaan u jeedinta Elon Musk, ninka ugu taajirsan adduunka, kaas oo ku bixiyay ku dhawaad $120 milyan si uu taageero ugu fidiyo ololaha Trump. Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Musk uu u magacaabo guddoomiye hoggaaminaya guddi ka shaqeeya hufnaanta dowladda.
Raysal wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa noqday hogaamiyaha labaad ee caalamka ee u hambalyeeya Donald Trump, kadib markii uu sheegay inuu ku guuleystay doorashada, taas oo uu ku tilmaamay “guul doorasho oo taariikhi ah”.
“Waxaan doonayaa inaan wada shaqeyno sanadaha soo socda”, ayuu intaa ku daray raysal wasaaraha UK.
“Laga soo bilaabo arrimaha horumarka, amniga ilaa arrimaha teknoolojiyadda, waxaan ogahay in xirriirka dowladda UK iyo Mareykanka uu sii xoogeeysan doono labada dhinac ee Atalantiga sanadaha soo socda”, ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, Madaxweynaha Ukraine iyo Madax kale ayaa u hambalyeeyay.