Sunday, December 22, 2024

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay Askar loo diyaariyay Leyli-Sarkaal.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulliyadda tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay xaflad lagu dhaariyay Askar loo diyaariyay Leyli-Sarkaal iyo furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.

Wasiir Jaamac oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaa raaciyay in aan marnaba la dagi doonin bulshadeenna, wuxuuna xusay in shacabka Soomaaliyeed uu ku baraarugsan yahay oo aan la kala qaybin Karin.

Wuxuu sheegay wasiirku in cadowga uusan guuleysan karin hadduusan helin gacan gudaha ah ama mid walaalkiis uusan usoo marin taasina aysan oggolaan doonin.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa labalaabay tababarrada kala duwan ee loo fidinayo ciidamada, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay ka gp’an tahay in ay gacta mariso cadowga gudaha iyo kan dibaddaba.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles