Sunday, December 22, 2024

WARBIXIN: 10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Suuqa Kala Iibsiga Premier League.

Horyaalka Premier League ayaa weli ah horyaalka ugu qanisan kubbadda cagta adduunka iyadoo ay ugu wacan tahay maalqabeenada kooxaha horyaalka.

Si kasta ha ahaatee waxa jira kooxo yar oo ku guulaystay saxiixyo ay sameeyeen.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ugu qaalisan ee ay sameeyeen kooxaha premier League.

  1. Enzo Fernandez (€121 million to Chelsea, 2023) Chelsea ayaa bixisay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiska xiddiga kadib wadahadalo dheer taas oo ka dhigaysa saxiixa ugu qaalisan taariikh.
  2. Jack Grealish (€117.5m Manchester City, 2021). Man City ayaa bixisay lacagta rikoorka ah si ay ula soo saxiixato kubadsameeyaha Aston Villa. Grealish waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray xilli ciyaareedkii saddexda koob ee City.
  3. Declan Rice (€116.6m Arsenal 2023) Arsenal ayaa jabisay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga si ay Rice ugala soo wareegto West Ham ka dib qaab ciyaareedkiisa wacnaa oo uu ku soo bandhigay West Ham.
  4. Moises Caicedo (€116m Chelsea 2023) Kadib dagaal ay la gashay Liverpool, Chelsea ayaa heshay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ecuador, kaasoo loo arkayay inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah si ay u xoojiyaan kooxdooda
  5. Romelu Lukaku (€113m Chelsea, 2021). Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay Chelsea isagoo kaga soo biiray Inter Milan laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho, waxaana amaah lagu siiyay dhowr jeer ka hor inta uusan ka tagin xagaagan.

6.Paul Pogba (€105m  Manchester United, 2016) Ku soo laabashadii Pogba ee Old Trafford markii uu kaga soo biiray Juventus ayaa wakhtigaas dhigay rikoor caalami ah, laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaan ahayn qaab ciyaareed lagu qanco.

7.Antony (€95m Manchester United, 2022). Waxaa laga soo iibsaday Ajax, Antony wuxuu ahaa saxiixii ugu qaalisanaa ee Man United maalintii ugu dambeysay, inkastoo qaab ciyaareedkiisa si weyn loo dhaleeceeyay tan iyo markaas.

8.Josko Gvardiol (€90m Manchester City, 2023). Daafaca reer Croatia ayaa kaga soo biiray RB Leipzig, iyadoo rajooyin badan laga filanayo sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa adag ee Bundesliga.

9.Harry Maguire (€87m Manchester United, 2019) Maguire ayaa lacag badan ugu soo biiray United kagana soo biiray Leicester City laakiin waxa uu ku fashilmay Red Devils.

10.Jadon Sancho (€85m Manchester United, 2021). Inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Borussia Dortmund, Sancho waxa uu ku dhibtooday in uu qaab ciyaareedkaas ku sameeyo Old Trafford.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles