Sunday, December 22, 2024

R’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay Janaasada Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere.

R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maanta maydkiisa la keenay Muqdisho.

Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles