Wednesday, January 8, 2025

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci daro ah ugu dirtay Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnad hub iyo rasaas ah oo dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay talaabadan mid khatar ku ah amniga qaranka iyo madax-bannaanida dalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS ayaa lagu sheegay in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hoosta ka xariiqday in tani aysan ahayn dhacdadii ugu horreysay ee noocan ah, iyadoo ay jiraan shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dhaqdhaqaaqyada hubka ee sharci-darrada ah, iyadoo digniin ka bixisay in falalka noocan ah ay si weyn u dhaawacayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda waxay sidoo kale ugu baaqday saaxiibbada caalamiga ah iyo wadamada gobolka in ay si adag u cambaareeyaan talaabooyinkan sharci-darrada ah isla markaana ay xoojiyaan dadaallada lagu sugayo nabadda iyo amniga gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles