Wednesday, January 15, 2025

Puntland oo Bilaabaysa Hawlgallo Ballaaran oo Ka Dhan ah Al-Shabaab.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ka bilaabi doonto hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka qabsoomi doona magaalooyinka ugu waaweyn ee maamulkaasi. Howlgalladan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaqiijinta nabadgelyada iyo sugidda ammaanka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Intii lagu guda jiray hawlgalladii hore ee ka dhacay deegaannada Puntland, waxaa gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay falal amni darro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa ku amray dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobolka Mudug inay si xooggan u laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan sugidda ammaanka magaalada Galkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolka.

Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sidoo kale bogaadiyey guulihii ay gaareen ciidanka ammaanka gobolka Mudug, kuwaas oo soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo shaqsiyaad looga shakisan yahay falal amni darro. Sidoo kale, waxaa la faray saraakiisha heer gobol iyo heer degmo inay feejignaadaan, kana hortagaan wax kasta oo sababi kara xaalad ammaan xumo, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Puntland ayaa qorsheynaya inay magaalada Galkacyo ka fuliyaan hawlgallo lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah iyo falalka lidiga ku ah ammaanka guud ahaan gobolka. Hawlgalladan ayaa ah kuwo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida deegaannada Puntland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles