Dagaalame ka tirsan Alshabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Masagawaay ayaa warbaahinta u soo bandhigay dagaalamaha, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Ilyaas, waxaana AS uu kaga biiray degmada Masaajid Cali Gaduud sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Dowladda.
Dagaalamaha ayaa si gaar ah isugu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 86-aad Guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa ee Degmada Ceeldheer.
about:blank
Ka hor inta uusan isi-soo dhiiban waxaa uu xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga waxaa looga hortagay deegaanka Xuseen Cagey. Halkaasi oo ay kasoo wadeen saraakiisha Ciidanka Dowladda eek u sugan degaanadaasi.