Wednesday, January 15, 2025

Masar & Jabuuti oo oo Ciidamo ku yaboohay Hawlgalka cusub AUSSOM

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay  soo biirtay  Hawlgalka  Cusub ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, in badan toban kun oo askari ay u soo diri doonto Soomaaliya .

Dawlada Masaar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso  Cutubyo la tirsan Ciidankeeda oo ku qalabeysan Gaadiidka Gaashaamaan  kuwa Ciidamada lagu daabulo Si ay uga qayb qaataan Hawlgalka Cusub  AUSSOM.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed  ka  soo soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in soo dhaweynayaan dalakka ku soo biiraya howlgal ATMIS oo loo bedelay howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya Howlgalkan  oo bedeli doona ATMIS ayaa magaciisa loosoo gaabiyaa AUSSOM.

Sodoo kale Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohay in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalkaa Cusub ee AUSSOM ee bedelaya Hawlgalka ARMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab ah iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Howlgalka ayaa   qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga saarayo  Al-Shabaab.

Hase ‘ ahaatee ku soo biiritaanka Masar ee Hawlgalka Cusub AUSSOM ayaa ku soo Aadaya xili ay xiisad ka dhex taagan tahay Somalia iyoItoobiya   iyadoo si doo kale Masar & Itoobiya ay ka dhexeyso xiisad la xiriirta Qaybsiga biyaha Webiga Niil .

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles