𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗FS, mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka Dastuurka, doorashooyinka iyo kaalinta haweenka ee dhismaha dowladnimada. Wasiirka ayaa uga warbixiyay dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, halka ay marayaan dhismaha hay’adaha garsoorka iyo dib-u-eegista Dastuurka, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ku jirto marxalad cusub oo taariikhi ah oo muwaadinku si buuxda ula wareegayo samaynta mustaqbalkiisa.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in ay taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyagoo door muuqda ka qaadan doona wacyigelinta bulshada. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay wadajirka shacabka iyo ka-qaybgalka bulshada rayidka ah si looga gudbo marxaladda kala-guurka laguna xoojiyo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.