Friday, May 1, 2026

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ŸŽ๐Ÿ-๐Œ๐š๐š๐ฃ๐จ ๐จ๐ฐ๐ ๐ž๐ž๐

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka Maajo.
Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin kobaca iyo adkeysiga Qaranka.
โ€œWaxa aad laf-dhabbar u tihiin amniga,
dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran kaabeyaal horumarsan oo casri ah leh, si walba oo duruufaha ay u adkaayeen maanta waxa aad u jihaysateen in aad qeyb ka noqotaan horumarka muuqda ee dalkeennu gaaray, sidaas darteed waxaan idiin rajeynayaa in aad sii xoojisaan dadaalka iyo naf-hurrnimada aad waddaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay sida ay Xukuumadda uga goโ€™an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.
Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles