Wednesday, April 22, 2026

š†uddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Shir-Guddoomiyey Kulan lagu Gorfeeyey Saameynta Roobkii ka Da`ay Caasimadda

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarunta ku-meel gaarka ah ee Guddiga Gurmadka Xilli Roobaadka, kulan kula qaatay mas’uuliyiinta guddiga iyo wakiillo ka socday shirkadaha bahwadaagta ah ee dhisa waddooyinka caasimadda, si loo xoojiyo u-diyaargarowga iyo ka-hortagga saameynta roobka.
Kulankan istiraatiijiga ah oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa diiradda lagu saaray isku-dubbaridka hawlaha gurmadka, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo dib-u-eegista hirgelinta qorshe hawleedka wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha roobka, si loo xaqiijiyo jawaab-celin degdeg ah oo waxtar leh marka ay dhacaan xaaladaha deg-degga ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku bogaadiyay shirkadaha bahwadaagta ah doorkooda firfircoon ee ku aaddan adeegga bulshada, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hawlaha gurmadka, asigoona faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay si buuxda u fuliyaan waajibaadkooda, lana dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha hor-tebinta u leh badbaadada shacabka iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
š†uddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Shir-Guddoomiyey Kulan lagu Gorfeeyey Saameynta Roobkii ka Da`ay Caasimadda

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles