Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka heyโadda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.
Shirka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.
Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Raโiisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo heyโadaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.