Wednesday, July 2, 2025

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sanad walba Maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga Naafada, ayna ka go’antahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafada ah, iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhanyahay.

“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Xukuumadda ay ka go’antahay xal u helida colaadaha, ciribtirka Khawaarijta, iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka Naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeybgali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan, waxa kale uu sheegay in qorshaha isbeddelka Qaranka ee hadda socda laga uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles