๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ง๐๐จ๐ง๐ž๐ฌ๐ข๐š.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Danjire T.B.H. Witjaksono Adji.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, iyo fursadaha lagu ballaarinayo iskaashiga laba geesoodka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Indonesia wadashaqaynta iyo xiriirka kobcaya ee ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoo adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga iyo kor u qaadidda xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles