๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo ay wehliyeen wasiirro iyo masโ€™uuliyiin sarsare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumaraddii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha dhanka amniga iyo xasilloonida ee lagu talaabsaday.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Qatar Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sidii ay isu barbar taagtay madax-banaanida dhulleed iyo qaranimada Soomaaliya markii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles