Friday, November 22, 2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta si kulul uga hadlaya cabashada Bajaajleyda iyo Ganacsatada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah in uu jiro kulanka, isla markaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

  1. Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.
  2. Hindise-Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Maanta ka hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka sida cabashooyinkii kasoo yeeray Darawalada Mootooyinka Bajaajta iyo Ganacsatada canshuurta lagu kordhiyay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles