Monday, December 2, 2024

Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka u Dhexeeya DFS iyo Jubaland.

Saaxiibada Caalamka* ayaa ka walaacsan khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ)

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada. Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa lagu boorrinayaa inay dib ugu laabato GWQ si wadahadal furan looga yeesho dhammaan arrimaha taagan, loona soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaanaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hanka/hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo si isasoo taraysa looga wada qayb qaato, loona dhanyahay. Tani waxaa kamid ah kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed, iyadoo la horumarinayo hababka doorashada, iyo jadwal waqtiyaysan oo shaqayn kara oo lagu dhameystiro doorashooyinka, kuwaas oo ah kuwo loo dhan yahay, oo si mug leh loo aqbalo, lana xaqiijin karo, isla markaana damaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaran.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles