Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xoojinaya qaban qaabada maalmaha xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.
Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xil saaran qaban gaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada Qaranka ee sanadguurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, amniga iyo xiriirinta hay’ adaha qaybta ku leh dabaaldegga maalmaha xorriyadda.




