Saturday, April 19, 2025

Xamaas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux.

Xamaas ayaa deegaanka Khan-Yonis ku sii daayey saddex maxaabiis oo Israel ah oo lagu kala magacaabo Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Yair Horn.

,Xamaas ayaa maxaabiistaasi ku wareejisay hey’adda Laanqeyrta Cas,waxaana raggaasi la geyn doona Qaza si ay ula wareegaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan halkaasi.

Israel ayaa la filayaa in  maanta gelinka dambe ay sii deyso 369 falastiiniyiin ah oo ay hayeen muddo badan.

Dhinaca kale,Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood aan toos ahayn ay la galayaan Israel toddobaadka soo socda ,kaas oo noqon doona  wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Gaza.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles