Waxaa maanta xaalad deganaasho ah laga soo sheegaya deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhadhaw oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo xoogan ku dhexmarayeen ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab.
Deegaanka Ceel hareeri oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ah deegaan istaraatiiji oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Dagaaladii ka dhacay sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in kooxda looga dilayku dhawaad 100 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Dowladda Fedaraalka ayaa Shalay shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-shabaab looga dilay deegaanka Ceel hareeri iney kala ahayeen Abuu Anas horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed Xerow oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga kooxda.
Waxaa sidoo kale howlgalada laga fuliyay Ceel hareeri dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjoogayaasha kala ah Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo ah horjoogaha maleeshiyaadka u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha kooxda.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Hiiraan ayaa ah gobolka kaliya ee haatan uu sida tooska ah uga socdo dagaalada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.