Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Tababar u Soo Xiray Ciidamo ka Tirsan Guutada 232-aad ee XDS.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa tababar dib-u-celin ah u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 231-aad, Guutada 232-aad ee Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Har-qaboobe, magaalada Guriceel.

Wasiiru Dowlaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hawlgallada ka socda furimaha dagaalka, isla markaana ay ka qayb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay hawlihii ay hore uga soo qabteen furimaha dagaalka.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles