Tuesday, March 11, 2025

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”.

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana labada dowladood uu ka dhaxeeya iskaashi dhan kasta ah oo ay ugu horeeyaan dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Dhanka siyaasadda ee Soomaaliya iyo Imaaraadka isna waa mid meel wanaagsan marayo, waxa ayna naga taageeraan arrimaha aminga iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Mudane Cali Balcad.

Wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku uu maraya meel wanaagsan, Soomaaliyana ay ka tageeraan arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo dhaqaalaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles