Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Mucaaradka Mar waliba ay sheegaan in madaxweynaha Soomaaliya uu albaabadu ka xirtay balse markii gogol wadahadal loo fidiyayna ay kala hor imaanayaan diidmo.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay Dalka dibadiisa ay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka uusan ku ciidin halkaasna ay kasoo saareen warsaxaafadeedkii maanta ay ku dhaliileen inuusan Madaxweynaha jiha sax ah kuwadin gogoshadii uu ku dhawaaqay ee la doonayay in ay ka qeyb galaan dhammaan saamileeyda Siyaasadda dalka.
“Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan, Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!.! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!” ayuu ku yiri Wasiir Fiqi.
Wasiiradii ka jawaabay hadalkii maanta kasoo yeeray Mucaaradka waxaa kamid ah Wasiirka gaadiidka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur waxaana uu sheegay in ajendaha ay mucaaradka wadaan uusan ahayn mid Soomaali ah.
“Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn, Dalka horumarkiisa Maxadweyne ayaa u dooran” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.