Friday, February 21, 2025

Wasiirka Dekedaha XFS oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Amb; Alper Aktaş.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami oo kamida maamuladda Shirkadda Albayrak, oo ah shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo uxilsaaran horumarinta dekedda muqdisho.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa soo dhoweeyay taageerada Turkiga iyo ballan qaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha, kuwaas oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles