Wednesday, March 12, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay iskaashi wadaagga Siihayaha Safaaradda Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kor u qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo ballaarinta wax wadaag ku suntan danaha labada dal, iyadoo diiradda la saarayo u saldhigidda iskaashi muddo fog ah oo nacfi wadaag leh.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles