Thursday, December 26, 2024

Wasiiradda Waxbarashadda iyo arrimaha guddaha oo furay munaasabada isku xirka Waxbarashadda iyo Aqoonsiga qaranka.

Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha XFS oo magaalada Muqdisho ka furay Munaasabadda Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Xildhibaan Cali Xoosh, Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Wasiiru-dowlaha Waxbarashada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada gobolka Banaadir, agaasimayaasha Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle, Guddoomiyaha Guud ee Midowga Jaamacadaha Dalka, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday), Guddoomiyayaasha kala duwan ee dalladaha waxbarashada dalka.

Inta ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa goobta looga dhawaaqay in si baash ah ardayda Soomaaliyeed ku helayaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loola dareen noqdo daruuraha nololeed ee ardayda Soomaaliyeed wax ku bartaan.

Isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada waxbarashada ayaa u fududeynaya helitaanka adeegyada waxbarashada, isagoo hubinaya in ardayda iyo macallimiinta ay si sahlan u heli karaan adeegyada muhiimka ah Noloshooda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles