Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay soo yaraanayaan albaabadii gargaarka ay heli jireen Shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay inay isku tashadaan oo ay cuntadooda kasoo saartaan beeraha kana faaideystaan wabiyada iyo xeebta weyn ee Soomaaliya marta.
Wasiirka waxa uu sheegay in wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ay wado qorshayaal uu Qofka Soomaaliga uu kusoo saaran lahaa wixii uu cuni lahaa mustaqbal dhow, waxaana uu ka digay in ay wali Soomaalida niyada kusii hayaan inay ku hamiyaan gargaarkii uga imaan jiray Wadamada Caalamka oo uu sheegay inay rajadaasi soo yaraaneyso.
“Waa inaan u diyaar garownaa inaan wax soo saarano, waa inaan innaga is caawino, waa inaynu kordhinaa wax soo saarkaa beeraheeni” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo maanta shir ja’raaid ah ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxa uu xusay in Soomaaliya hadda ay kasoo kabatay amni dari iyo xasilooni la’aan, isdil qabiil, dhibaato dhinaca cuntada ah iyo waqtiyadii la dhihi jiray “Macluul ayaa ka jirta Soomaaliya”, waxa uu wasiirka uu tilmaamay inay dhici karto Roob yari Go’a soo socda ayna suurta gal tahay in malaayiin Soomaali ah ay arintaasi ay sameeyso.
Ugu dambeeyn waxa uu wasiir Maareeye ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in la gaaro isku filnaan cunno, waxa uuna xusay inay qaban doonaan shirka maalgashiga Beeraha si ganacsatada ay u maalgashadaan Beeraha maadama gargaarkii Soomaaliya ku tiirsanaan jirtay suurtagal ay tahay inaan loo helin sidii hore.