Monday, November 17, 2025

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir ,ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.

Wasiir Ashkir oo ka hadlay  Munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda Iskaashiga, isagoo yiri” Waxaan adkaynayaa muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabi’inta kala qeybsanaanta bulshada”.

Ugu Dambayn, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Cabdixakiin Ashkir,ayaa u mahadceliyay Ka qaybgalayasha Kulanka oo ka kala socda DF, Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles