Friday, February 21, 2025

Wasiir Fiqi oo beeniyay in Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya loo diiday warqada habraaca Basaaboorka Diplomaasiga ee uu ku safri lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin wax diidma ah oo lagu sameeyay dalabka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la sheegay in laga hor istaagay warqadii habraacada Baasaboorka Diplomaasiga ee uu ku dalban lahaa Visa ha dal ku galka dalka Koonfur Afrika.

Wasiir Fiqi oo wareysi siinaayay VOA Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ixtiraam weyn ay u hayaan Rooble oo uu tilmaamay in meel halis ah uu kasoo saaray dalka xilligii doorashadii 2022kii ee dowladii Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan haynaa warqadii aan u qornay isaga iyo wafdigiisa 1dii Bishaan Febraayo, mana ogin meel dalabkiisa lagu diiday, kaliya waxaan ka maqalnay iyadoo meelaha la wad wado, Rooble isaga xitaa meel uu ku yiri waxbaa la iidiiday ma jirto mar markuu hadlo ayayna Dowladda si toos uga jawaabi doonta” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Hadalheynta Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee in Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ka hor istaagtay helitaanka warqadaas ayaa waxay si weyn u qabsatay baraha Bulshada lagu wada xiriiro iyadoona Rooble markii dambe isaga iyo wafdigiisa ku safreen Baasabooro Yurub ah ay wateen.

Rooble iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika, waxaana casuumaad rasmi ah ay ka heleen Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles