Waxa maanta la samayn doonaa isku aadka champions League cusub iyada oo tartanku yeelan doono waji cusub.
Isku Aad aan horay loo arkin ayaa laga samayn doonaa isku aadka iyada oo kooxuhu u dheg-taagayaan isku aadka.
Goorma ayaa la samayn doonaa isku aadka?
Isku aadka ayaa la samayn doonaa maanta oo khamiis ah 7:00 Fiidnimo wakhtiga soomaliya iyada oo uu ka dhici doono magaalada Monaco.
Kooxaha ka qayb galaya tartanka:
AC Milan, Arsenal, Aston Villa, Atalanta, Atletico Madrid, Barcelona, Bayer Leverkusen, Bayern Munich, Benfica, Bologna, Borussia Dortmund, Brest, Celtic, Club Brugge, Dinamo Zagreb, Feyenoord, Girona, Internazionale, Juventus, Lille, Liverpool, Manchester City, Monaco, Paris Saint-Germain, PSV Eindhoven, RB Leipzig, Real Madrid, Red Bull Salzburg, Red Star Belgrade, Shakhtar Donetsk, Slovan Bratislava, Sparta Prague, Sporting CP, Sturm Graz, Stuttgart, Young Boys.
Sidee ayuu u dhacayaa isku aadku?
Kooxaha ayaa gali doona 4 Pot oo lagu go’aamiyay qiimayntooda UEFA iyada oo Kooxda difaacanaysa tartanka ee Real Madrid ay gali doonto Pot1.
Wareega League ee taranka ayaa biaaban doona bisha September iyada oo UEFA Shaacin doonto wakhtiga la ciyaari doono kulamada kadib dhamaadka isku aadka.
Sidee ayaa loogu gudbayaa wareega 16-ka:
Kadib dhamaadka heerka Legaue, 8-da kooxood ee ugu sareeya ayaa u gudbi doona wareega xiga iyaga oo ay wehelin doonaan kooxaha ku dhamaystay kaalinta 9-aad ilaa 24-aad kuwaas oo gali doona kulamo kala bax ah.