Monday, December 23, 2024

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Addis Ababa u tagaya sii ambaqaadista Heshiiskii Ankara.

Wafdi ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya u tagaya sii ambaqaadista heshiiskii dhawaan Ankara kusoo dhexmaray madaxda labada dal.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ujeedka wafdigaan uu yahay xoojinta xiriirka ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn dhexmarta dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo 11-kii bilood ee lasoo dhaafay uu u dhaxeeyay khilaaf meel sare gaaray.

Wafdigaan dowladda Soomaaliya ay u dirtay dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga heshiis is afgarad ah ku gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Abiy Axmed xiisadii ka dhalay heshiiskii Abiy uu la galay  Somaliland bishii koowaad ee sanadkaan 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sheegtay Warsaxafadeedka iney ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dal kasta.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaarada arrimaha Dibadda oo dhameystiran:-

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles