Saturday, September 14, 2024

Turkiga iyo Masar oo si wadajir ah u garab Istaagay Soomaaliya

Turkiga iyo Masar oo si wadajir ah u garab Istaagay Soomaaliya

Shir jaraa’id oo ay Qaahira ku wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaareen Ethiopia iyo maamulka gobolada woqooyi ee Somaliland.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Somalia Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles