Sunday, October 26, 2025

Trump oo sheegay in ‘heshiis nabadeed oo weyn’ lagu saxiixi doono Malaysia.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadda ka soo degay diyaarada Air Force One ka dib markii uu gaaray garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.

Waxaa uu gacan qaaday wasiirro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Malaysia oo halkaas ku soo dhaweeyey.

Trump ayaa Malaysia u gaaray si goob joog ugu noqdo saxiixa heshiis nabadeed oo ay wada gaaraan dalalka Thailand iyo Cambodia ka dib dagaalkii xadka ee dhexmaray bishii Luulyo.

Mr Trump ayaa ku tilmaamay “heshiis nabadeed oo weyn oo uu ku faanay inuu dhexdhexaadinayey.”

Sidoo madaxwene Trump waxa uu ka qayb gelayaa shirka madaxda Ururka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), iyo sidoo kale wadahadal uu la yeellanayo hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, halkaas oo ay labadooduba uga qayb gelayaan shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (APEC). Mr. Trump waxa kale oo uu booqan doonaa Japan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles