Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Baarista Dambiyada ee CID, Qeybta Nabad-gelyada Wadooyinka, Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye iyo Xarunta Birmadka Booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.
Kormeerka Taliyaha ayaa salka ku haya isla xisaabtanka iyo kor joogteynta shaqada ay bulshada u hayaan qeybaha uu tegay.