Wednesday, June 18, 2025

Soomaaliya oo baaq u dirtay muwaadiniinteeda ku nool waddanka Iran ee hada dagaalku ka socdo.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran inay la soo xidhiidhaan safaaradda haddii ay doonayaan in ay ka baxaan dalkaas, maadaama ay sii kordhayo halista dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil.

“Safaarada JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed inay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah wadanki ugu noqon lahaayeen.Mobile Number +905345933990” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaarada.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo Iran ay wajahayo weerarro isdaba joog ah oo kaga imanaya Israa’iil, halkaas oo duqeymaha cirka lagu badhtilmaameedsaday goobo rayid, isbitaallo, warshadaha hubka iyo xarumo dowladeed. Colaadda sii xumaanaysa ayaa walaac xooggan ku abuurtay dadka ajnabiga ah ee dalkaas ku sugan, gaar ahaan muwaadiniinta Soomaalida oo tiradooda lagu qiyaasay 6 ilaa 7 qof.

Dadka Soomaalida ah ee ku sugan Iran ayaa wajahaya duruufo amni iyo nafis la’aan ah. Qaar kamid ah dadkani waa arday wax ka barta jaamacadaha, halka kuwo kalena ay ganacsiyo ku leeyihiin. Axmed Maxamuud Cabdi, oo ah ganacsade Soomaali ah oo ku sugan Tehran, ayaa BBC Somali u sheegay in xaaladdu tahay mid aan la saadaalin karin.

Wuxuu sidoo kale xusay in mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed uu si fudud ugu dhaawacmay firidh ku dhacay meel u dhow Jaamacadda Tehran. “Waxa jira arday barta qaybta caafimaadka Jaamacadda Tehran, firidh ayaa madaxa iyo dhabarka kasoo yar gaadhay meel uu daraad qarax ka dhacay. Xaaladdiisu way fududahay, waxaana la ii sheegay inuu yidhi ‘xagga Asarbajaan ayaan u kacayaa,’ oo uu hadda dhexda kusii jiro,” ayuu yidhi Axmed.

Soomaalida ku sugan Iran ayaa hadda bilaabay wada-tashiyo ku saabsan inay sii joogaan waddanka iyo in kale. Wuxuu Axmed xusay in ay balameen dhammaan Soomaalida halkaas ku sugan si ay uga tashadaan tallaabada ay qaadayaan.

Xaaladda colaadeed ee u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil waxay u muuqataa mid sii xoogeysanaysa. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa dhawaan sheegay: “In uu rabo in la burburiyo Nukliyeerka Iran,” taasi oo muujinaysa in dagaalku sii xoogaysanayo, sidoo kale Iran ayaa sheegtay in ay beegsan doonto saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe hadii Washington ay dagaalka qayb ka noqoto.

Haddii xaaladda sii xumaato, dadka rayidka ah ee shisheeyaha ah gaar ahaan kuwa aan lahayn safaarado toos ah sida Soomaalida ayaa noqonaya kuwa ugu nugul khatarta.

Baaqa safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dareenka ay dowladda federaalku ka qabto badbaadada muwaadiniinteeda meelaha khatartu ka jirto, xili dowladaha caalamku ay shacabkooda kala baxayaan waddamada Iran iyo Israa’iil.

Dowlada Soomaaliya may sheegin habka iyo hanaanka ay u mari doonto samato-bixinta dadka Soomaalida ah ee ku sugan Iran, marka laga tago warka ay ugu sheegtay in ay lasoo xidhiidhaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles